
nimcaan hillaac - soomaalinimo كلمات أغنية
(1)
buuraha surad baa u dheer
hankana soomaalinimo
gobtuna silic way martaa
haddana saxariir ma tiro
abaartuna waa sunnee
hadduu jiro sebenxumaad
waxaa xiga beri samaad
sagsaagguna waa dhammaad
(2)
galool samadaa jiroo
salkuna u aroorsan yahay
ayaan sabo kula dhashoo
qabkaygu ma suuli karo
samada calankaa ku ladhan
ayaa sanka taag i faray
adkaysoo samir lahow
bilaha soonkaa i baray
(3)
daruuraha sixirka iyo
intaan saxalkani dul iman
samaaluhu wuxu ahaa
naflaha madow ugu sandheer
sadhada tafaraaruqiyo
intaan soocsoocu fidin
saf iyo cudud buu lahaa
cadaawuhu kaga sasaan
(4)
alloow solonsii bulshada
sokeeye inay yihiin
sinjiga ka midaysanoon
waqood kala soocmahayn
sariir lagu wada gamaay
banaadir sal noo ahow
hargeysaay sabawanaag
siraad baxay noo ahow
(5)
waxaa xalay sawiray
geyiga nabad saaqday iyo
sareedo dadkoo ku leday
waxay sug_yeenna helay
buuraha surad baa u dheer
hankana soomaalinimo
gobtuna silic way martaa
haddana saxariir ma tiro
كلمات أغنية عشوائية
- monsterblunt - der erste kontakt mit alten freunden كلمات أغنية
- loudaguy - changed on me كلمات أغنية
- james cook - my lady may can we by james cook كلمات أغنية
- tefferio hogan - put it out كلمات أغنية
- coffee & cream - alone كلمات أغنية
- nino bless - born dead كلمات أغنية
- the spencer davis group - i'm lost كلمات أغنية
- heize - 첫눈에 (first sight) كلمات أغنية
- slayidge - alles so easy كلمات أغنية
- karol g - dime que sí كلمات أغنية