kalimah.top
a b c d e f g h i j k l m n o p q r s t u v w x y z 0 1 2 3 4 5 6 7 8 9 #

maxamed bk – adaan kula hayaa كلمات اغاني

Loading...

inanyahay adaan kaa helaa
kuu hanweynahay oo
inanyahay adaan, adaan kula hayaa

kuna heelanoo
inanyahay adaa iga hantiya
dhanka feedha hee

adigaan hurdada kaaga go’ay
haakah iyo jiifee
adigaan hablaha tii aan arkaba
kugu hilmaamaaye
adaan kuugu heesaa
sidii hooyo ubadkeedee

hadalkaagu way malab
dawo iyo himirtii doocaane
muuqaal halaca sii
daymada ishaad dareen hag-ysaa
gadhka iyo halbawlaha habaad
gacan ku haysaayee
hidda raac jacayl bay hayee
hinda iga baanoo
hinda iga baanoo

higsi durugsan hood iyo aqoon
aad ila hal maashay
niyad dabacsan, dabacsan
haybad iyo hanaan
hooyo ku aroortay
ayaan kugu hawaystoon
haween kaaga haybsaday

heemaalkaaga goortaan dersay
hubatiq qiimeeyay
ee aan kor iyo hoos u dayay
heedhe quruxdaada
ayaan kuu hogaansamay
sidii bacadle heeryaysan

hadalkaagu way malab
dawo iyo himirtii doocaane
muuqaal halaca sii
daymada ishaad dareen hag-ysaa
gadhka iyo halbawlaha habaad
gacan ku haysaayee
hidda raac jacayl bay hayee
hinda iga baanoo
macaan iga baanoo

كلمات أغنية عشوائية

اهم الاغاني لهذا الاسبوع

Loading...